Ninkii DOQONKA Ahaa
Bari baa waxa wado ku kulamy nin doqon ahaa oo laba dameer oo caato ah watay iyo nin dameer buuran watay. Markaas buu ninkii doqonka ahaa waydiiyay su’aal ninkii kale.
Wuxuu ku yiri dameerkaan buuran seebaad u cayilisay anigu labadaydu waa caatee, markaas buu isagoo ku dheel dheelaya ku yidhi dabbaalkii.
war labaadaada dameer isku dar.
markasuu kii doqonka ahaa intuu yabay yidhi.
seebaan isugu daraa.
kii kala ku yidhi,
farsama yaqaanka xaafadaa dagan u gee oo isku dar dheh.
markaa buu u geeyey farsama yaqaankii oo ku yidhi labaddan dameer ee catada ah isugu kay, dar into hoos u qoslay oo la yaabay doqoniimadiisa ayuu ku yidhi,
Imisaad isiineysaa,
ninkii dameerah lahabaa ku yidhi
laba boqol baan ku sinayaa lixbilood ka dib baan kuu imaanayaa,
farsama yaqaankii baa labadii dameer ee catada ahaa beer geeyey oo cayiliyey.
markii lix bilood la joogay baa doqonkii u yimid farsama yaqaankii, waxa uu ku yidhi,
labadii dameer ma isku dartay,
haah buu yiri e labadii boqol isi,
markaas buu isaga oo faraxsan siiyay lacagtii dameerkina kaxaystay.
farsama yaqaankii labadii dameer ee uu cayiliyay mid buu xaday midkii kalana waa kii siiyay ninkii doqonka ahaa labadii boqol ee lagu heshiiyayna waa ka qaatay.
Xigmada sheekada; doqoniimadu xoolahag ayay kaa kaxaysaa.