Sheekada Farriintii Dahsoonayd
Waxaa jiri jiray wiil ka dhashay goys xooloraacato ah oo ku dhaq- naa deeganada dalka soomaaliyeed. Yaraantiisii buu ka tegey reerkoodii oo u tagay xer wadaado ah oo daganaa degmo kale o fog, si u u barto diinta. Sanooyin badan buu ku maqnaa xertii.
Waa dambe baa wiilkii wuxuu la kulmay niman uu garanayay oo u socday deg-madi aabihii joogey, wuxuuna weydiistey in ay farriinta soo socota gaarsiiyaan aabihii:
Aabbahay u sheega inaan shanta salaadood ku wada tukado weesogaad keli ah!
Nimankii fariintii bay u sheegeen wiilkii aabihii, isaguna wuxuu ku yiri:
‘‘War i soo mara markaad ku nogonaysaan reerkiinnii, alaabo baan idiin ku sii dhiibi doonaa wiilkaygiiye’’.
Beryo ka dib bay nimankii ku soo nogdeen reekii wiilka aabbehiis sidii uu ka codsaday. Wuxuu nimankii u dhiibey soddon cad oo hilib shiilan ah iyo joog subag ka buuxo.
Waxaad wiilkayga ku tiraahdaan "bishu waa soddon, balliguna wa buuxaa". Buu yidhi aabbehii.
Intii ay sii socdeen bay nimankii in badan ka cuneen hilbahii iyo subaggii, intii hartayna wiilkii bay u geeyeen; waxayna u sheegeen farriintii aabihis u soo diray.
Aabahay wuxuu ii soo diray soddon cad oo hilib ah iyo joog subag ka buuxo, waxaadna ii keenteen toban cad o keli ah iyo in yar oo subag ah waa inaad i wada siisaan alaabadii oo dhamays tiran buu Raage kuyiri nimankii inta u fasiray macnehii dahsoonaa ee farriin- tii aabbehiis u soo dhiibay.
Dulucda sheekada; Amandu way culustahay ha isku dayin wax laguu dhiibay oo amaano kugu ah inaad si khaldan u isticmaasho.