DAACAD, SIRROOW IYO BEENLOW

Maalin baa waxaa wada socdaalay sadex nin oo la kala odhan jiray Daacad,siroow iyo beenlow oo midba midka kale ay maalinkaas ugu horaysay.

Mid waliba wuxu sitey sahaydii uu tubta ku mari lahaa. Daacad saadkiisu wuxuu ahaa Kiilo timir ah, Sirroowna wuxuu soo qaatey bur shiilan, Beenlowna xabbad muufa ah. Saddex doodu waxay ku heshiiyeen inayna isa sirin oo ay saxiiban, iyo inay afar iyo labaatan saacadood markay joogaamba mid cuntadii cunaan.

Daacad ballankii ka dhexeeyey buu aamminay, waxna kuma uu didin, halkaasaana waxa lagu cunaya sahaydii uu sitay daacad. Waxay socdaamba, markii la gaajooday ayuu daacad codsaday in la siiyo wax uu cuno, waxay ugu warceliyeen; "Ninkaan wax sidan baa ba'ay, adeer annaga hanna baryine Ilaahay bari". Daacad baa yidhi; "Haddee waxaygii ii cesha”.   

Labadii kale ayaa ugu jawaabay “Kumaanu xoogin", inkastoo Beenlow muufadii wax yar uga jabshey. Markay maalintii oo dhan socdeen oo oondarteed ay beercaddaad yihiin, bay socotadu ceel ay ka cabto oo daasadi agtiisii taalo yimaadeen. Intay maryohoodii oo dhan isku xireen bay Daacad gacanta midig uga xidheen, oo ceelkii galiyeen si uu uga soo waraabsho. Daacad gacanta bidix buu daasaddii ku qaatay, oo yiri; "Markaad dheregtaan ceelka iga soo baxsha". Hawraarsan", bay yiraahdeen siday run sheegayaan.

Daacad markasta oo uu daasadda buuxshaba maraduu ugu soo xiraa, markaasay cabaan. Markay labadoodii dhergeen bay isagiiyoo ceelkii ku jira uga dhaqaaqeen. Goortuu arkay inay ka tageen buu soo gebiraacay, ayaandardiisa ceelka garkiisa dhagax ku yiilley baa la dhacay, markaasuu hoos u noqday, lugna ka jabay oo biyihiin dib igu dhacay.

Subaxdii danbe ayaa niman safar ahaa ceelkii yimadeen oo wadaan u tuureen. Wadantii buu daacad soo fuulay xadhigiin labada gacmood ku soo qabsaday ilen waa nin dhawac ahe. Bananka Markuu imid ayuu siid arin ahaa uga waramay nimankii safarka ahaa, markasay cunto siyeen geed mesha u dhawaana hoos jifiyeen.

Markii habeenkii kala badhkisii la gaadhay, ayaa jinni ceelkii yimid. Jinnigu dadka wuxuu u yaqananaa“Shanfaroodle”. Jinigii oo sheekaysanaya ayaa yiri; “Shanfaroodluhu waxba ma oga maxaa yeelay geedkaas caleentiisu indhahay daawo u tahay.

Tan kale, haddii sahra bilan gabadha curyaanta ah oo Boqorku dhalay lagu akhrin lahaa Aaayad heblaayo way bogsan lahayd. Waxaa ka daran, buurtaas dahab baa dhanka bidix uga jira”. Geedka ay sheegayeen waa kan Daacad Joogey, isaguna warkooda dhan waa maqlayay.

Markuu laba toddobaad meeshii joogey oo uu bogsaday, buu intuu caleentii geedkii ka gurtay magaaladi Bogorku deganaa tagay isaga oo caleentii xambarsan buu boqorkii u tagay, kuna yidhi ‘’hadaan gabadhaada kuu daweeyo ma igu meherinaysaa’’ boqorkii baa ku jawaabay,"Awal baan ka samraye wa ku kaas, haddaad dawaynayso waan ku siiyay."

Markuu laba maalmood aayaddii ku akhrinyey bay sarakacaday, oo asaaggeed wax la gaybsatay.

Boqorkii ayuu haddana wuxuu ku yidhi; "Inta indhaha la' daawadoodaan aqaanaa hala i keeno." Kii loo keenaba biyo uu caleentii ku qasay buu isha kaga dhibciyaa, markaasay u bogsataa ishu.

Dabadeed, buurtii dahabku ku jirey buu Bogorkii ayaan dambe u sheegay, markaasaa laga soo saaray dahab badan oo isagii saddex meelood laba la siyey.

Galabtii dambe isagoo dad badani geesaha ka fadhiyaan, ayaa Sirroowgii iyo Beenlowgii u yimaadeen. Waxay cunaan iyo waxay cabbaan buu siiyey, si kalgacal badan na waa uu u soo dhaweeyay. Intii meesha la fadhiyey ayaa Beenlowgii int  Sirroowgii dhegta afka usaaray wuxuu ku yiri; "Daacad ceelkii aan ku ridney buu maal ka soo helaye ina keen aan aadnee." Gabbalku markuu dhacay bay labadoodii israaceen oo ceelkii aadeen, markay tageen bay ceelkii ku dhaceen oo gunta u fadhiisteen.

Habeenkii dambe, ayaa Jinnigii ceelkii yimid. Iyaga oo sheekaysanay ayuu mid kii kale ku yiri; "Habeenkii aan halkaan joogney Shanfaroodlaa ina maqlayey, oo ceelka ku jirey". Markasuu kii kale idhi; "Maxaad ku ogaatey?" Waxaan ku ogaadey, gabadhii curyaanta ahayd oo cagaheedi ku socota, dadkii indhaha la'aa oo la daweeyey iyo Buurtii oo dahabkii lagala baxay ayaan arkay”.

"Hadda maxaan yeelnaa?" mid baa weydiyey. Suu yidhi kii kale; "Aan ceelka aasno Shan faroodlaa ina ku bartaye." Markaasay inta ceelkii afarta gees ka mareen xabaaleen, afkana ka malaaseen









Halkan ka akhriso sheekoyin kale………………………

Previous
Previous

Sheekada Farriintii Dahsoonayd

Next
Next

Ninkii iyo xaaskiisi fulayda ahaa.