Ninkii iyo xaaskiisi fulayda ahaa.
Meel col looga kala cararay oo dadkii waa hore ka guurey ayaa wax galab soo daggay nin iyo xaaskiisii. Ari waxoogaaya oo badi dhalaya, awr cadho qaba iyo aqal madhana waa wateen.
Ninkii iyo xaaskiisu wiil aan saa u waynayn bey isu lahayeen, oo labaduba ay ku curteen. Wiilka maalintiina hooyadaa xambaari jirtay habeenkii aabaha ayaa hoosta galin jiray isaga oo uga baqaya in bahalo qaatan. Galabtaas ay ninka iyo xaaskiisu meesha soo dagayeen aad iyo aad bay uga baqayeen in col soo weeraro, oo awal bay warkeeda hayeen. ‘Intayna qoraxadu dhicin aan adhiga sii oodee, orad oo ceesaamihii magacyo fiicfiican u sii bix’’ ninki ayaa xaaskisii ku idhi.
Gooratay adhigii dhex tagtay ayay magacyo laga baqo ceesamihii u bixisay, oo waxay tidhi; ‘’ka bax! Ka bax! Waa col! Waa col! Waar ka tag! Waar ka tag!’’ Ninkii oo meel agteedaa ood ka jarayay ayaa mooday in naagtu col aragtay oo ay isaga u digayso,markaasuu isaga oon docna dayin dhan kalan eegin cararay. Iyana markay aragtay isagiiyoo meel aan dhaweyn sii ganan bay ka daba carartay iyadoo yarkii xambaarsan, una haysata inuu ninku col ka cararayo.
Muddo shan saacadood ah markay ordayeen, oo ay daaleen ayay istaageen. Markaasaa buu ninkii ku yidhi, "Naa ma col baad aragtay?" Markaasay ku tiri: "Col ma arage adigoo cararaya baan ku arkay.
” Ninkii intuu xanaqay oo uu qayliyay ayuu dib iskaga soo noqday si uu xoolihii usoo kaxaysto wax uuna go’aansaday in aanu halkan sii daganan, wayo wax uu habeen iyo maalin ka cabsadaa in maalin uun col soo weerari donna xaaskiisa iyo wiikiisan ka dili doonaan. Markii uu soo noqday wax uu u imaday xoolahii oo ay dacawo ka cuntay iyo awrkii oo libaax cunay halkas buu ku caydhoobay reerkii.
Nuxurka sheekada; somalidu waxay ku mah maahdaa Wax hubso hal dhan baa la siistaa. Marked wax maqasho markiiba hayska cararin ee hubso waxaas.
Halkan ka akhriso sheekoyin kale…………