Sheekada Diinka iyo Bakaylaha
Dhammaan xayawaanka keynta waxay wada og yihiin in bakayluhu yahay kan ugu dheereeya dhexdooda. Wuxuu mari karaa wadooyin dhaadheer isagoo aan wax dhib ah dareemayn.
Maalin maalmaha ka mid ah, bakaylaha wuxuu arkay diin si aayar ah u soconaya oo jooga keynta. Bakaylaha ayaa istaagay oo bilaabay inuu ku jees jeeso diinka miskiinka ah:
Diin iyo bakayle sheekaysanay
Bakaylihii ayaa yidhi..OH! Adigu waxaad leedahay lugo gaagaaban iyo qolofo culus! Waxaad tahay xayawaanka ugu gaabiska badan dhammaan keynta! Waxaan filayaa inaad huruddo markaad soconaysid! Diinku kama niyad jabin hadalka bakaylaha. Bakhaylihii hadalkii ayuu sii watay wax uuna yidhi.
Waa inaan si fiican u eegaa si aan u ogaado inaad soconayso ama aad istaagtay. Mudo intee le’eg ayay kugu qaadataa inaad socoto toban bari? Maalin dhan? Mise saacado badan? kadib in badan ayuu bakayluhu sii watey qosolkii! Markaasuu gacmahiisa caloosha saaray oo qosol weyn ku dhuftay.
Bakhayle ku qoslaya diin.
Isla markiiba, diinka ayaa istaagay oo ilko cadeeyay. Waxaanu yidhi,
Sii wad qosolka oo igu jees jees! Hadad rabto, Anigu marna kama niyad jabayo, mar walba waxaan ku guuleystaa inaan gaaro meesha aan u socdo. Xataa waxaan u maleynayaa inay macquul tahay inaan kaaga adkaan karo tartanka!
Bakaylahii wuu miyir daboolmay qosol daraadeed markuu maqlay hadalka diinka afkiisa ka soo baxay! Dhowr ilbiriqsi ka dib, waxa uu joojiyay qosolkii,
wuxuuna yiri: haye! Waan kugu raacsanahay hadalkaaga! Waxaan ku arki doonaa maalinta tartanka!
Labadooduba si dhaqso ah ayay ugu heshiiyeen dawaco inay noqoto garsooraha waxayna ku kulmeen maalin ka dib geedka hoostiisa. Waxay go’aansadeen inay calaamad u yeelaan geedka bilowga tartanka.
Dawacadu waxay ku dhawaaqday; Kii ugu horreeya ee yimaada balliga weyn waa kan ku guuleysanaya tartanka!
Ma diyaar baa tihiin? Saddex, laba, hal – baxa!
Diinka iyo Bakaylaha oo taagan halki tartanku ka bilaabmayay.
Bakaylihii wuxuu u booday sidii hillaac waanu libdhay markiiba. Waqti gaaban kadib wuxuu durbaba dhameeyay kala bar wadadii tartanka. Kadib waa uu soo jeestay oo ogaaday in diinku kaliya qaaday dhowr tallaabo.
Diinkii iyo bakaylahii oo baratamaya.
Wuxuu ku fikiray: Oh! Waa mid sahlan tartankani! Waqti badan ayaa ii haray! Waxaan aadi karaa beerta karootada si aan u soo cuno karoot.
Markaasuu si toos ah u tagay beerta weyn oo cunay dhowr karoot ah isagoo ku raaxaysanaya. Markuu soo noqday, wuxuu arkay in diinku weli ku dhawayn meesha tartanka oo uu aayar socdo. Waxa uu isku dayayaye diinku inuu si fiican u socodo oo uuna waddada ka leexan!
Bakayle kaaroot cunay iyo diin socda.
Wuxuu ku qayliyay bakhaylihii: Oh adigu waxaad tahay caajis loow! Isku day inaad xoog u soo cararto! Kaalay kaalay!
Dhammaan shimbiraha iyo xayawaanku waxay u sacbinayeen bakaylaha! Waxayna ku dhiirrigaliyeen sacab iyo foodhi. Bakayluhu wuxuu sameeyay dabaal dag iyo bood bood geesinimo leh. Laakiin karootadii iyo bood bood kii waxay ku sameeyeen daal. Sidaas darteed ka hor intaanu gaarin khadka dhammaadka, wuxuu jiifsaday cawska wadad tartanka ku ag yaal oo uu seexday!
Diin socda iyo bakayle hurda.
Hurdadii waxay isu beddeshay hurdo qoto dheer! Si lama filaan ah, wuxuu ka toosay hurdadii wax uuna maqlay mar qudha sacab iyo farxad weyn!.
Wax uu furay indhihiisa wuuna rumaysan waayay waxa uu arkay. Diinkii ayaa cagta saaray khadka dhammaadka oo ku guuleystay tartanka. Dawacadii waxay ku dhawaaqday:
Diinkii oo guulaysatay iyo dacawo faraxsan.
Hambalyo, diinka qaaligaa ah. Waxaad ku guuleysatay tartanka! Dhammaan xayawaanka keynta waxay hambalyeeyeen diinka waxayna u dabaal dageen guusha cajiibka ah.