Sheekada Ukuntii Dahabka ahayd

Maalin maalmaha ka mid ah, nin beeraley ah ayaa lahaa Digaagad taas oo maalin kasta ukun dahab ah dhasha. Ninka beeraleyda ah wuxuu caado u lahaa inuu iibiyo ukuntaas, lacagta uu ku soo badashana waxay dabooli jirtay baahida qoyska maalinlaha ah.

                                               Nin beeralay ah iyo digaagad dhasha ukun Dahab ah.

Maalin maalmaha ka mid ah, ninka beeraleyda ah ayaa ku fikiray in haddii uu heli lahaa ukunno dahab ah oo badan uu lacag fara badan heli lahaa oo uu noqon lahaa nin hodan ah ama taajir ah.

                                                            Ninka beeralayda ah oo ku fikraya inu taajir noqday.


Ninka beeraleyda ah ayaa go’aansaday inuu gowraco digaagadii oo uu kasoo saaro dhammaan ukunaha dahabka ah ee caloosheeda ku jira. Markii uu digaagadii dilay oo uu caloosheedii furay, wax ukumo ah kama helin.

                                                                            Ninka beeralayda ah oo naxsan.

Ninka beeraleyda ah oo nacasnimo ka buuxdo ayaa gartay in uu baabi’iyey kheyraadkiisii ugu dambeeyey wax kasta oo uu haystay hadan waxa uu noqon doonaa mid faqiir ah oo aan wax xoolaa haysan.

                                                                    Ninkii beeralayda ahaa oo murugaysan.

Dulucda sheekada: Hanti-raadiska badani waxa uu burburiyaa kheyraadkaaga.

Halkan ka akhriso sheekoyin kale…………………………………………………………….

Previous
Previous

Sheekada  Wiilkii Adhijirka ahaa iyo Waraabe

Next
Next

Sheekada Diinka iyo Bakaylaha