Abihii Wayeelka Ahaa Iyo Wiilashisii

Aabihii wayeelka ahaa oo fikiraya.

Wax jiri jiray Nin beeraley ah oo taajira, oo dareemay inuusan haysan maalmo badan oo uu ku noolaado. Nin wayn wadkii wuu og yahaye, waxa uu u  yeedhay wiilashii sii oo joogay dhinaciisa.

Aabahii wayeelka ahaa oo la hadlay wiilashisi.

Wuxuu ku yidhi, ‘‘wiilashaydiiyoow, waxaan idinku leeyahay dhegaysta. Marnaba  ha ka tegina hantida qoyskayagu tan iyo ab ka ab uu iska soo dhaxlayay, meel walba waxaa ku qarsoon maal hodan ah. Meesha saxda ah ogaada, laakiin waa meeshaas idin ma odhanayo, oo hubaal waad heli doontaan. Mandaraq, yaanbo iyo faralay sii qaata markaad tagaysaan beerta ee aad soo raadinaysaan hantida an idiin sheegay. Meel kastod qodaana midho timireed ku rida’’.

Aabihii wayeelka ahaa iyo wilashisii.

Aabbihii waa dhintay, Wax yar ka dib na wuxuu galay qabriga. Wiilashi  wax ay u dhaqaaqeen dhankii beerta waxay bilaabeen inay qodaan beerta oo ay raadiyaan hantidii faraha badnayd ee abahood uga dhintay, meel kasta oo dhulka ka mid ah ayay  qodeen, meel kastana laf timireed bay ku rideen oo beertii oo dhan laba ama saddex jeer bay qodeen ilaa ay ka dalaan.

                                Wiilashii oo qodaya beertii.

Dahab qarsoon ma ay helin taana waxay ka qaadeen niyad jab wayn. Laakiin wakhtigii beergoynta markii ay gaadhay waxa ay beertii ka heleen  macaash aad uga badan midda deriskoodu wuu helay. Waxay fahmeen in hantida uu aabbahood u sheegay ay tahay hodantinimada dalagga beeraha faa'iidada leh, iyo in beertooda ay ku jirtay hanti badan oo dhulka ka soo baxday. Ugu danabayn way heleen hantidii abahood la rabay iyaguna aad bay ugu farxeen hantidaa.

                   Wiilashii oo arkan in beertu soo baxday.

Nuxurka Sheekada; Wax beerashadu waa hanti. Wax kasta oo aad dadel galiso  waad helaysaa ku tasho  naftaada oo aduu wax qabso.

                           Wiilashii oo faraxsan.

 

Halkan ka akhriso sheekoyin kale……………………………

Previous
Previous

Dameerkii Libaaxa Ismooday