Dameerkii Libaaxa Ismooday

          Dameer helay harag libaax.

Maalin malmaha ka mid ah Dameer ayaa helay harag libaax oo uu kaga tagay kaynta dhexdeeda. Kadib waxa uu soo qatay isaga oo ku faraxsan haragii libaaxa. Waa u ku labbistay, oo waxa uu ka maadsaday xawayaanki kaynta kula noolaa.

Dameerki oo ku labistay haragii libaaxa.

Inta uu meel ku dhuuntay ayuu si lama filaan ah ugu soo booday xawayaan kii jidkaas marayay dhammaantood way wada istaageen intay naxeen markii ay arkeen isaga.

Xawayaankii kaynta oo ka naxay dameerkii.

Dameerkii aad buu ugu farxay markii uu arkay xayawaankii oo ka wada cararaya. Sidii isagoo Boqorkii Libaax laftiisa ah. Inta uu farxadii xakamayn kari wayay ayuu qayliyay  ‘aaaaah’ ‘aaaaaaaah’.

                Dameerkii oo qaylinaya.

Dacawadii oo oraday markii hore, ka dib na yar nasanaysa ayaa isla markiiba codkiisii maqashay oo joogsatay. Intay u soo dhawaatay ayay ku qososhay. Dameerkii oo yaaban ayaa ku idhi maxaad ku qosalaysaa dacawooy. 

Dacawadii oo ku qoslaysa dameerka.

Waxa ay ku tidhi;

Haddaad afkaaga xidhi lahayd anigana waad iga cabsiin lahayd laakiin waxa ku fashilay codkaga foosha xun".


Nuxurka sheekada. Doqonka dharkiisa iyo muuqaalakisa way ku khiyaanayn karaan Laakiinse erayadiisu way soo bixi doonaan mar uun.






Halkan ka sii akhriso sheekoyin kale……

Previous
Previous

Tuke Doqon Ah Iyo Xuur Badeed

Next
Next

Abihii Wayeelka Ahaa Iyo Wiilashisii