Sheekadii diinka, Deerada iyo yayga
Waxaa jiri jiray diin iyo deero saaxiibo ahaa tan iyo yaraantoodii. Waxaa kaloo jiray YAY aad u damacsanaa inuu cuno hilibka macaan.
"Waxaan u maleynayaa inaanan cunin waligay wax ka macaan deeradan. Laakiin marka hore, waa inaan kasbadaa kalsoonida deerada," ayuu ku fikiray YAYGII xeeladda badnaa.
YAYGII wuxuu imaaday maalintii xigtay meesha diinka iyo deeradu ku sheekaysan jireen.
Diin, Deero iyo Yay wada hadlaya.
"Nabad sheega, waxaan idin arkay dhowr jeer, waxaanan rabaa inaan saaxiib idinla noqdo!" ayuu yiri YAYGII.
"Sidee baad noogu noqon kartaa saaxiib!" ayuu ku qeyliyay diinkii.
YAYGII oo ahaa mid aad u caqli badan ayaa weydiiyay su'aal,
"Maxaa diidaya in YAYGU uu saaxiib la noqdo diin iyo deero? Fadlan i sii fursad aan ku caddeeyo inaan ahay saaxiib wanaagsan!”
Laakiin YAYGII caqliga badnaa ma uusan qancin diinka, lakiin hadalladiisu si yar ayay u qanciyeen deeradii.
Deerada ayaa diinka ku tiri, "Oh, wuxuu u muuqdaa mid wanaagsan. Waxaan ka dhigan karnaa saaxiib saddexaad!"
"Ma waalan tahay? Waa wax aan macquul ahayn!" ayu diinkii ku qayliyay.
"Hagaag, saaxiibbayaal! Waan idin dhaafayaa!" ayuu yiri YAYGII isagoo si deggan u dhaqaaqay.
Maalintii xigtay, deeradii oo keli ah, YAYGII ayaa ku soo noqday wuxuuna bilaabay inuu kula hadlo cod aad u macaan.
Deeyo iyo Yay sheekaysanaya.
"Waan ku salamay, waxaa agteena ku yaala beer ay ku badan yihiin dalagyada. Haddii aad halkaas tagto, waxaad ka heli kartaa caleemo cagaaran oo macaan," ayuu kula taliyay YAYGII.
Deeradii ayaa waxaa qanciyay hadalladii YAYGA oo waxay badaleen maskaxdeedi.
"Hagaag, aan tagno!" ayay ku tidhi deeradii.
Waqti yar kadib, YAYGII wuxuu geeyay deeradii beertii, halkaas oo deeradii ay ku boodbooday farxad darteed.
Markii ay aragtay beerta, waxay bilowday inay cunto cawska si farxad leh.
Deero cunaysa caleemaha beerta.
"Oh, aad baad ugu mahadsan tahay! Waan dhergay." ayay tiri deeradii.
YAYGII wuu sugay wax yar ka dibna wuxuu hirgeliyay qorshihiisa labaad. Wuxuu u sheegay deeradii wax xun oo ku saabsan Diinka, waxayna deeradii joojisay la kulanka Diinka iyada oo u xanaaqsan. Markaas wixii ka dambeeyay, YAYGII iyo deeradii waxay noqdeen kuwo saxiibo ah oo mar walba wada taga beerta.
Deero iyo Yay wada socda.
Beertaasi waxay ahayd mid uu lahaa nin beeralay ah. Maalin maalmaha ka mid ah, ninkii beeralayda ahaa ayaa baaray beertiisa markaas ayuu arkay inay waxyeello gaadhay. Aad ayuu uga cadhooday wuxuuna isla markiiba aqoonsaday raadkii deerada. Wuxuu markiiba sameeyay qorshe uu ku qabanayo deerada wuxuuna dhigay shabag beerta dhexdeeda.
Maalintii xigtay, deeradii waxay timid beerta sidii caadiga ahayd, markii ay bilawday inay cunto caleemah beerta waxay si kadis ah ugu dhacday shabaqii beeralaydu uu meesha dhigay. Tani waxay aad ugu farxisay YAYGII sababtoo ah waxay ahayd qayb ka mid ah qorshihiisa.
Deero ku jirta shabaq loo dhigay iyo Yay ku farxsan.
YAYGII ayaa aad u qoslay isaga oo isku yiri, "Qadadaydii way i sugaysaa." YAYGII faraxsanaa ayaa u cararay geed gadaashiisa si uu isu qariyo.
Dhanka kale, Diinkii wuxuu si lama filaan ah u arkay wax layaab leh.
Wuxuu arakay wax ku jira shabaq beerta dhex yaala. "Wuxuu u muuqdaa saaxiibtay deero! Dhib ayay ku jirtaa. Waa inaan caawiyaa," ayuu ku yiri diinkii naftiisa.
"Oh, saaxiibkay! Iga raalli noqo! Waxaan istaahilaa in sidaan iigu dhacdo maxaa yeelay kuma maqlin adiga. Waxaad iiga digtay dhibaatada YAYGA," ayay ku ooyday deeradii.
Diin caawinay saxiibtii Deero.
Diinkii ayaa u sheegay deerada inay iska dhigto inay dhimatay marka beeralaydu soo dhowaato. Beeralaydii markii ay dul imadeen deeradii shabaqa ku jirtay waxay u qaateen in ay deeradu dhimatay marki laga furay shabaqii Deeradii way carartay markiiba.
Deero laga furayo shabaqa.
Ugu danbayn diinkii ayaa badbaadiyay deeradi, dib ayayna u midoobeen saaxiibadii wanaagsana.
Dulucda sheekada; Sida sheekadu inoo sheegayso, waa inaan ka taxadirnaa dadka saaxiibtinimo doodu kaliya tahay si ay inoo xumeeyaan. Waxaa laga yaabaa inay u muuqdaan kuwo wanaagsan, laakiin run ahaantii, marna laguma kalsoonaan karo waayo way ku dhibatynayan ugu danbaynta.
Deero Iyo Diin faraxsan.
Halkan ka akhriso sheekooyin kale…………………………………….