Sheekada Boqorka Isha iyo Lugta La’aa
Waxaa jiray boqor lahaa hal lug iyo hal il, laakiin wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo daacad u ah xukumaadiisa. Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo ku dhex socda qasrigiisa, boqorku wuxuu arkay sawirrada awoowayaashiis oo lagu taxay gidaarada qasriga.
Boqorka oo eegaya sawirada awoowyaashi.
Wuxuu isna rabay in sawir uu leeyahay la sameeyo, laakiin wuxuu ka cabsi qabay sida uu sawirku u ekaan doono maadaama uu lahaa cilado jidheed. Boqorku wuxuu u yeedhay dhammaan farshaxanada joogay boqortooyda si uu ula hadlo, wuxuuna weydiiyey,
‘yaa sawir qurux badan ii samayn kara.
Farshaxanadii oo dhan waxay ka cago jiideen inay sawir ka sameeyaan Boqorka iyagoo ka baqaya sida ay u sawiri lahaayeen boqor leh hal lug iyo hal il.
Farshaxanadii oo sawiraya boqorka.
Markaas ayaa mid ka mid ah farshaxanada dhalinyarada ah uu soo baxay oo ballanqaaday inuu samayn doono sawir qurux badan oo boqorka ah. Maalmo ka dib, farshaxan yahankii dhalinyarada ahaa ayaa golaha boqortooyada ku soo bandhigay sawirkii boqorku ku sawirnaa isagoo ku fadhiya faraskiisa, kaas oo haysta qaanso, sawirka waxa ka muuqday boqorka oo leh hal lug oo muuqata, waxaanu ku dhejiyay isha boqorka dabool.
Wiilkii yaraa oo haya sawirkii boqorka ee uu sawiray.
Ma jirin wax calaamado ah oo muujinaya naafo ahaanshaha boqorka. Boqorku aad ayuu ugu farxay markii uu arkay in farshaxan yahanku si hal abuur leh u soo bandhigay sifooyinka wanaagsan ee Boqorka isaga oo aan muujin cilladaha jirkiisa.
Boqorkii oo hela sawir uu ku faraxsan yahay.
Xigamada sheekada: Waa inaad eegtaa dhinacyada wanaagsan ee qofka adigoon eegayn cilladaha ama iimaha qofku uu leeyahay.