Sheekada Wiilkii Yara ee Buluugga ahaa

Waxaa jiray wiil yar oo timo dahabi ah iyo indho buluug ah lahaa. Wiilka wuxuu la noolaa hooyadiis oo ahayd haweeney caato ah. Hooyadiis waxay ka shaqeyn jirtay beeralayda si ay nolol maalmeedkooda u dabarto.

Maalin maalmaha ka mid ah, hooyadii wiilka yar ayaa xanuunsatay waxayna awoodi wayday inay shaqo tagto. Markuu arkay xaaladdan hooyadii ku sugantahay, wiilka yaraa ayaa u imaaday hooyadii.

                                                                      Wiilka yar ee buluuga ahaa iyo hooyadii.

Wuxuu yiri, "Hooyo gacalooy! Ha welwelin, adigu naso, anigaa shaqo tagi doona."

Hooyadiis ayaa la yaabtay, waxayna ku tiri, "Xageed ka heli doontaa shaqo, wiilkeyga yaroow?"

Wuxuu ugu jawaabay, "Waxaan aadi doonaa sarkaalka deegaanka oo waxaan ka raadi doonaa shaqo."

Inkasta oo uu da’yar yahay, wiilkii yar wuxuu u dhaqaaqay shaqo. Hooyadiis waxay u toshay dhar cusub oo ay ka samaysay go’eedi buluugga ahaa si uu ugu labisto.

Markuu si fiican u labbistay, wiilkii yaraa wuxuu u tagay sarkaalkii si uu shaqo u waydiisto. Wuxuu la kulmay gabadh uu dhalay sarkaalku oo la oran jiray Marwo Sahra. Haweeneydan dhallinyarada ah aad bay ugu faraxday Wiilka Yar ee Buluugga ah waxayna ku qancisay aabaheed inuu shaqo ka siiyo wiilka yar beeraha. Sidoo kale, Marwo Sahri waxa ay u bixisay magacan "Wiilka Yar ee Buluugga ah". Waxaa la siiyay shaqo ah inuu ka ilaaliyo xoolaha inay soo galaan beeraha.

                                                       Wiilka yar ee buluuga ah, marow sahra iyo sarkaalka.

Wiilka yar wuxuu si adag uga shaqeeyay beertii wuxuuna ka ilaaliyay xoolaha inay soo galaan goobaha la beeray. Hooyadiis si tartiib ah bay u soo kabsatay markasta wiilku waxa uu guriga ku soo noqon jiray galabtii si uu hooyadiis ula kulmo. Laakiin, nasiibku mar kale ayuu ka xumaaday, markan hooyadii wiilka yar ayaa si xun u dhacday oo lugtii ka jabtay.

                                              Wiilka yar ee buluuga ah iyo hooyadii oo lug ka jabatay.

Wiilkii yar ayaa dhaqso u cararay si uu u keeno dhakhtar. Dhakhtarkii ayaa yimid oo baadhay lugtii.

wuxuuna yiri, "Jabku ma xuma laakiin waa inay nasataa ilaa ay ka bogsato.”


Wiilkii yar oo aad uga walwalsan hooyadiis wuxuu ku fikiray inuusan shaqo tagi maalinta xigta. Hooyadu waxay ku adkaysay inuu shaqo tago, ugu dambeyntiina wuxuu ku qancay inuu tago. Habeenkii oo dhan ma seexan wuxuu aad uga walwalsanaa inuu hooyadiis kaligeed uga tago aqalka.

Si kastaba ha ahaatee, subaxdii xigtay, wiilkii wuxuu u dhaqaaqay shaqo oo wuxuu ku guuleystay inuu soo jeedo maalinta oo dhan. Markii qorraxdu dhacaysay, Wiilka Yar ee Buluugga ah ugu dambeyntii waxaa qabatay hurdo aad u xun kadibna waxa uu seexday hadhka buundada cawska, nasiib darro, xoolihii oo dhan waxay galeen beertii.

                                                                   Wiilkii yaraa ee buluuga ahaa oo hurda.

Tani waxay sarkaalkii ka dhigtay mid aad u xanaaqsan! Wuxuu aad ugu carooday wiilkii yar. Kadiba waxa uu ka eryay shaqadii wiilkii yaraa Laakiin, Marwo Sahra oo ahayd gabadh naxariis badan, waxay ogayd duruufaha wiilka haystay. Waxay markaa u dirtay qof  ka caawiya daryeelka hooyada wiilka yar. Sarkaalkiina wuxuu fahmaydhibka haysta wiilka yar wuxuu ku xumaaday in wiilka yar si dhakhso ah uu uga eryay shaqadii isagoo aan garanayn duruufah haysta wiilka yar. Ugu danbayn wuxuu cafis waydiisatay wiilkii yara waxaanu ku soo celiyay shaqadiisa.

                                                             Wiilka yar ee buluuga ah oo ilaalinay beerta.

Ugu danbayn, wiilka yar iyo hooyadiis waxay u guureen aqal cusub oo ku yaal beerta sarkaalka agteeda. Sidaas darteed, Wiilka Yar ee Buluugga ah wuxuu si weyn u caawiyay hooyadiis. Wiilkii yar wuxuu noqday adhijir daacad ah ugu dambayntiina wuxuu yeeshay beer uu isagu leeyahay.

                                                            Wiilka yar ee buluuga ah iyo hooyadii oo cafimaday.

Dulucda Sheekada;

Dulucda sheekadu waxay tahay in midhaha shaqada adag iyo daacadnimada ay had iyo jeer macaanaan doonaan. Ma heshay dulucda labaad ee sheekada? Dulucda labaad waa "Ha xukumin qof ka hor intaanad ogaan duruufaha uu soo maray." Waxaan aragnay sarkaalkii oo ku xanaaqay wiilka yar ka hor intuusan ogaanin duruufihiisa guriga ka haysta. Tani ma ahayn dabeecad dhabtaa ee sarkaalkii. Taas darteed, wuxuu markii dambe fahmay dhibka haysta wiilka kadib wuxuu dib ugu soo celiyay shaqadiisa.









Halkan ka sii akhriso sheekooyin kale………………………………………………………

Previous
Previous

Sheekada Wiilki Geesiga ahaa

Next
Next

Sheekada Boqorka Isha iyo Lugta La’aa