Sheekada Wiilkii Adhijirka ahaa iyo Waraabe
Wiil adhijir ah oo ku noolaa tuulo ayaa caado u lahaa inuu arigiisa daaqsado meelaha beeraha u dhow kaynta.
Wiilku wuxuu dareemay in shaqadani aad u caajis tahay, wuxuuna rabay inuu wax yar madadaasho. Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo adhiga daaqsiinaya, ayuu qaylo dhaamiyey,
"Waraabe! Waraabe! Waraabuhu wuxu qaatay wan yar!"
Beeraleyda ka shaqeynaysay beeraha u dhow ayaa soo cararay si ay u caawiyaan, balse wax waraabe ah kama aysan helin.
Wiilkii ayaa qoslay oo ku jawaabay,
"Keliya waan idinku ciyaarayay. Halkan waraabe ma joogin."
Wiilku wuxuu sameeyay sidan oo kale dhawr mar oo uu mar walba ku qaylin jiray sidii inuu warabe soo weeraray lakiin beentii bay ahayd. Muddo ka dib, iyadoo wiilkii adhiga kula jiro beerta, ayaa si kedis ah waraabe uga soo baxay kaynta u dhow oo cunay wan yar.
Wiilkii ayaa naxay oo si cod dheer u qayliyey,
"Waraabe! Waraabe! Waraabuhu wuu qaatay wan!"
Beeraleyda waxay u malaysay in wiilku mar kale ciyaarayo, sidaas darteedna qofna muu san joojin shaqadiisii, wax caawinaad ahna uma iman. Wiilkii yaraa markii uu ku soo laabtay reerkoodi waxa ay ogaadeen beeralaydii markan in uu run sheegayay.
Xigmada sheekhada: Qofka beenta caadaysta lama aamino marka uu runta sheegayo.