Sheekada Wiilki Geesiga ahaa
Waxaa jiri jiray wiil lagu magacaabo Wiilka Geesiga ah oo la noolaa qoyskiisa kuwaas oo ku noola meel u dhow kayn. Wiilka Geesiga ah wuxuu jeclaa inuu ku ciyaaro kaynta u dhow mana ka cabsan jirin inuu fuulo geedaha, dhagxaanta waaweyn iyo buuraha. Aabbihiis wuxuu ahaa ugaarsade kaas oo ugaadhsan jiray xayawaanka. Wuxuu u keeni jiray ugaadha uu soo qabsado xaaskiisa iyo wiilkiisa si uu ugu nafaqeeyo. Aabbaha Wiilka Geesiga ah wuxuu had iyo jeer qaadan jiray dhagax madow marka uu ugaarsiga u baxayo. Inta uu dhagaxa madow wato, mar walba wuxuu heli jiray xayawaan uu ugaarsado oo uu u keeno qoyskiisa.
Wiilka geesiga ah, hooyadii iyo aabihii.
Maalin maalmaha ka mid ah, aabbihii waxaa ka lumay dhagaxiisii madobaa, mana uu soo helin wax ugaadh ah oo la cuno. Kaydka cuntada qoysku waxay noqotay gabaabsi, waxayna bilaabeen inay gaajoodaan.
Hooyada Wiilka Geesiga ah waxay weydiisatay inuu u raadiyo aabbihiis dhagaxi madoba. Wiilka Geesiga ah wuxuu bilaabay inuu guriga ka baadho dhagaxa. Laakiin ma uusan helin. Kadib wuxuu ku fikirey inuu booqdo saaxiibtiis, Sahra bilan, maadaama uu ogaa inay ururiso dhagxaan. Nasiib darro, Sahra bilan waxay lahayd dhagxaan midabyo kala duwan leh laakiin ma haysan hal dhagax oo madow ah.
Wiilka geesiga ah iyo sahra bilan.
Sahra bilan waxay sheegtay in dhagxaanta madow ay caan yihiin oo ay siiso oday xanaaq badan oo ku nool Buurta Madow. Odaygu wuxuu siin jiray Sahra bilan xayawaan bedelka dhagxaantan madow maadaama uu isagu yahay ka ururiya dhagxaanta madaw. Waxay sidoo kale sheegtay in odaygu uu aaminsan yahay in dhagxaanta madow ay keento nasiib, isla markaana uu doonayo inuu noqdo ninka ugu nasiibka badan kaynta.
Sidaas darteed, Wiilkii Geesiga ah wuxuu go'aansaday inuu fuulo Buurta Madow oo uu ka soo qaato dhagax madow guriga odayga.
Wiilka geesiga ah oo fulaya buurta madaw.
Nasiib wanaag, maalintaas, odaygii wuu ka maqnaa gurigiisa, Wiilka Geesiga ahna wuxuu ka helay dhagax madow guriga agtiisa. Laakiin si lama filaan ah, odaygii xanaaqa badnaa ayaa yimid oo weydiiyey waxa uu ku sameynayo dhagxa madow. Wiilka Geesiga ah si dhaqso ah ayuu dhagaxii jeebka ugu riday oo dhinac u dhaqaaqay. Odaygii wuu ogaa tirada dhagxaanta u yiiley. Intuu tirinta dhagxaantiisa ku jeeday, Wiilkii Geesiga aha si dhaqso leh ayuu uga baxsaday guriga oo hoos uga degay Buurta Madow.
Wiilka geesiga ah iyo odaygii xanaqa badnaa.
Wiilka Geesiga ah wuxuu markiiba yimid gurigoodii oo wuxuu siiyey aabbihiis dhagaxii madoba, kaasi oo ugaarsan jiray deerada, bakaylaha, iyo shimbiraha maalin walba. Waalidkii Wiilka Geesiga ah aad bay u farxeen oo waxay ku faaneen in ay helaan dhagaxaasi maadaama uu qoyska ka caawin jiray inay cunto helaan. Wixii maalintaas ka dambeeyey, mar walba waxay heli jireen ugaadh jogto ah oo ay cunto ka dhigtaan.
Wiilka geesiga ah hooyadii iyo aabihii.
Dulucda Sheekada;
Qoyska waa waxa ugu qaalisan ee qofku heli karo dunidan korkeeda. Qofku waa inuu diyaar u ahaado inuu wax kasta u sameeyo qoyskiisa. Qoyska waa halka qofku ka helo nafaqo, jacayl iyo daryeel, qofkuna waa inuu had iyo jeer diyaar u ahaado inuu daryeelo qoyskiisa. Tani waa waxa qofka ka dhiga geesi dhab ah marka uu ilaaliyo qoyskiisa.
Wiilka geesiga ah iyo qoyskiisa.