Sheekadii shimbirti Dahabka Ahayd
Waxaa jiri jiray shimbir dahab ah oo ku noolaayd balli agtii. Balliga agtiisa waxaa ku noolaa qoys ka kooban laba gabdhood iyo hooyadood. Waxay ahaayeen dad aad u sabool ah oo mararka qaar aan awoodin inay helaan laba cunto oo sax ah maalintii.
Hooyo laba hablood iyo shimbir
Shimbirta ayaa aragtay xaaladdooda waanay ka naxday qoyskii saboolka ahaa. Waxay aad uga fikirtey xaaladooda, ugu dambeyntiina waxay heshay xal.
Shimbirtu waxay go'aansatay inay daadiso baalalkeeda dahabka ah oo ay siiso qoyskii saboolka ahaa. Si ay u iibsadaan baalashaas oo ay cunto ugu badashaan.
Shimbirtu waxay aad uga fiirsatay arrintaas ugu dambeyntiina waxay go'aansatay inay ku dhaqaaqdo qorshahaas. Hooyadii waxay la yaabtay imaanshaha shimbirta ee gurigooda. Waxay weydiisay shimbirti sababta ay ugu timid maadaama ay ogtahay inay waxba siin karin. Shimbirta ayaa ku jawaabtay inay u sheegto qorshe.
Shimbir siinaysa baal Dahab ah qoyska
Shimbirti waxay daadisay mid ka mid ah baalasheedi dahabka ahaa oo siisay qoyskii. Waxay bilowday inay sidaas samayso maalin walba.
Qoyskii waxaa ku filnaatay lacagti ay ka heli jireen markay iibiyaan balasha dahabka, waxayna ku noolaadeen nolol farxad leh oo raaxo ah.
Qoys faraxsan oo wax cunaya.
Si kastaba ha ahaatee, hooyadii waxay si dhakhso ah u noqotay mid damac badani galay oo go'aansatay inay mar kaliya ka wada daadiso shimbirta baalasha markay markale timaado gurigooda. Waxay u sheegtay gabdhaheeda inay kalsooni ku qabi shimbirta oo ay ka shakisan tahay inay shimbirtu iska tegi doonto maalmo kadib, taas oo ku celin doonta qoyska saboolnimdii mar kale.
Gabdhaha kuma faraxsanayn arrintaas wayna ka naxeen shibirta maskiinta ah.
Maalintii xigtay, markii shimbirtii timid, hooyadii ayaa qabatay oo ka wada rujisay baalashii. Laakiin wax lala yaabo ayaa dhacay, baalashii ma ahayn kuwo dahab ah, waxay noqdeen baalal caadi ah.
Hooyo ku xanaaqsan shimbir.
Shimbirtii ayaa sheegtay inay si iskeed ah u daadineysay baalasha dahabka ah, laakiin maadaama hooyadu si qasab ah uga rujisay, waxay noqdeen baalal caadi ah oo aan qiimo lahayn.
Hooyadii way naxday markay maqashay taas, waxayna ka xumaatay waxay samaysay raali gelin ayay ka bixisay wixii ay ku samaysay shimbirta. Laakiin shimbirtu ma aysan dooneyn inay halis mar kale gasho. shimbirtii waxay horey ugu caawisay qoyska naxariis darteed, laakiin waxay isku dayeen inay dilaan. Markay duushay, shimbirtiii waxay qoyskii kula talisay inay iska dayaan damac badan.
Hooyo iyo hablaheedi oo murugaysan.