Tuke Doqon Ah Iyo Xuur Badeed
Waxa jiri jiray tuke iyo xuur badeed. Tukuhu aad buu u madow yahay sida dhuxusha, Maalin maalmah ka mid ah ayaa waxa uu ka masayray xuur badeed sababtoo ah baalasheedu waxay u caddaayeen sida daruuraha.
Tuke eegaya xuur badeed.
Shimbirkii doqonka ahaa waxa uu ku fekeray in haddii uu u noolaado sida xuur badeeda, oo uu maalinta oo dhan dabbaasho oo uu quuso oo uu cuno cawska iyo dhirta ka baxda biyaha, in baalkiisu u caddaan doono sida xuur badeeda oo kale.
Tukihii oo biyah soo galaya.
Sidaas daraaddeed ayuu gurigiisii kaynta ku yaalay uga soo baxay, wuxuuna u soo duulay si uu ugu noolaado harooyinka iyo biyo mareenada.
Tukihii oo dhex galay biyah.
Laakiin in kastoo uu maydhay oo maydhay maalintii oo dhan oo uu ku sigtay in uu ku dhinto biyah haddana baalalkiisu sidii weligii ay u madoo bayeen bay wali u madaw yihiin.
Cawskii badnaa ee uu cunayay wuu ku xanuunsaday ilaa uu markii danbe dhuubtay oo uu cato noqday ugu dambayntiina wuu dhintay. Waxa uu ahaa tuke caqli yar oo naftiisa dayacay.
Tukihii oo xanuunsanay.
NUXURKA SHEEKADA
Badalida caadooyinkaagu ma aha mar kasta wax fiican mararka qaar waxad ku wayn kartaa naftaada.