Sheekada Dayaxii Aan Saxiibka Lahayn

Dayax qurux badan ayaa keligii ku noolaa cirka, wuxuuna ahaa mid murugaysan! Mar walba, wuxuu odhan jiray:

"Rabbi naxariista badan! Maxaan had iyo jeer u ahay keligay? Maxaan saaxiibbo u yeelan wayay aan la ciyaaro?!"

                   Dayaxii kalida ahaa.

Maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu go'aansaday inuu u tago qoraxda oo uu ka codsado inuu saaxiib la noqdo! Waayo uma baahna inuu keligii ciyaaro. Markii uu subaxii yimid ma uu sana seexan ee waxa uu u tagay qoraxda, isagoo leh:

“Wan ku salaamay qoraxda quruxda badan oo naxariista badan! Ma noqon kartaa saaxiibkay? Waxaan had iyo jeer ahay kaliday oo ma lihi saaxiibbo."

Qoraxdii, oo dhoolla-caddeynaysa waxay tiri.

"Runtii waxaan doonayaa inaan saaxiibkaaga noqdo oo aan wada ciyaarno! Laakiin waxaan seexdaa habeenkii oo waxaan toosaa maalintii! Taasina wax ay ka soo horjeeddaada xiliga aad aduu seexato iyo xiliga aad soo jeedo! Taasi waa sababta aanan kuula ciyaari karin."

Dayaxii quruxda badnaa wuxuu noqday mid murugaysan! Qoraxdu waxay tiri:

"Ha welwelin, saaxiibkay! Waxaan codsan doonaa Rabbi inuu ku siiyo saaxiibbo wanaagsan!"

Dayaxii iyo qoraxdii oo sheekaysanay.

Dayaxii waa uu iska tagay isaga oo murugaysan! Wuxuu habeenkii eegay  cirka, laakiin ma helin saaxiib cusub! Wuxuu noqday mid murugaysan, Habeeno iyo maalmo markii uu sida ahaaday waxa uu fadhiistay meel oo uu ooyay, waxa uu maqlay cod:

"Dayax quruxda badan! Dayax iftiinka badan!"

Dayaxii wuxuu ka boodday meeshii uu fadhiyay:

"Yaa codkaas leh? Waayo?"

"Dayaxii yar! Waa aniga! Waaniga halkan jooga!"

Dayaxii wax uu riixay qayb ka mid ah daruurah wuxuuna arkay shay yar oo iftiimaya!

                       Dayaxii iyo xidig.

"Yaa tahay?” Waxa idhi dayaxii

"Anigu waxaan ahay xiddig! Ma rabtaa inaad saaxiib il noqoto oo aad il ciyaarto?"

"Xaqiiqdii waxaan doonayaa inaan kula ciyaaro adiga! Waxaan sugayay muddo dheer inaan saaxiib helno!" waxa yidhi dayaxii

"Marka waa inaad faraxsanata!

Sidayda oo kale waxaa jooga cirka, xiddigo malaayiin ah keliga ma ahaanaysid kali.”Waxa idhi xidigii yaraa.

         Dayaxii oo faraxsan iyo xidigihii.

Dayaxii wuxuu eegay xiddigaha ku hareeraysan wuuna boodbooday farxad daraadeed! Dhamaan xiddigihii ayaa iftiimayay dayaxii quruxda badan! Tan iyo maalintaas, dayaxii  nurka badnaa ma uu ahaan keligii.

Halkan ka akhriso sheekoyin kale…………………………

Previous
Previous

Sheekada Sidee Ayaan Ku Dhashay?

Next
Next

YAYGII IYO RI’DII 7 CARUURTA LAHAYD