Sheekada Sidee Ayaan Ku Dhashay?
Bari baa wax jiray Maroodi yar wuxuu ahaa mid su'aalo badan! Mar kasta oo uusan jawaabta garanayn, wuxuu weydiin jiray dadka kale!
Maroodi yar.
Maalin maalmah ka mid ah, saaxiibkii Biir wax u dhashay walaal cusub! Maroodigii wuxuu booqday saaxiibkiis Biir. Laakiin Maroodig yari ma oga halka ilmaha cusub uu ka yimid. Waxa uu is waydiiyay Halkee buu ilmah cusub ka yimid! Sidee buu ku dhashay? Markii Maroodigu uu yimid guriga saaxiibkiis, wuxuu weydiiyay Biir:
Maroodigii yara iyo saxibkii biir.
‘‘Sidee ayaan ku dhalannay ?"
Biir wuxuu xoqay calooshiisa wuxuuna yiri:
"Hagaag! Waxaan u maleynayaa in ay hooyaday caanaha malabka cabtay, markaa sidaas ayaan ku dhashay."
Laakiin hooyaday ma jecla malabka! Markaa sidee ayaan ku dhashay!
Maroodigii ayaa la yaabay.
Biir jawaabta ma uusan aqoonin! Sidaas darteed
Maroodigi wuxuu u tagay Shabeel yar wuxuuna yiri, "shabeelow! Ma taqaanaa sidaan ku dhashay?"
Maroodigii yaraa iyo shabeel.
Shabeelkii yara ayaa ka yaabay su’aashi. Wax jawaab ahna muu siin.
Sidaas darteed Maroodigii wuxuu u tagay Jiir.
"Ma taqaanaa sidaan ku dhashay?" Ayuu weydiiyay Maroodigii.
Maroodigii yaraa iyo jiir.
"Waxan u maleynayaa in hooyadaa ay ku beeraytay ka dibna waad soo baxaday. Hooyaday waxay sameysay sidaas oo kale," ayuu yiri jirkii.
Maroodigi yara wuxuu noqday mid faraxsan waayo wax uu u maleeyay hadalka jiirka run. Maadaama uu u dhashay sida mid ka mid ah saaxiibadiis. Waxa uu u socday si degan ilaa wabiga si uu biyaha ugu soo cabo sankiisa dheer. Maroodigii wuxuu arkay bisad halkaas ku ciyaaraysa. Maroodigii yara wuxuu yiri:
Maroodigii yaraa iyo bisada.
"Bisadeey! Waan ogahay sida jiirka iyo aniga aan u dhalannay! Ma rabtaa inaan kuu sheego?"
"bisadii! Waan ogahay! Waxa nalaga keenay Dhaktarka."
"Maya! Waa nala beeray! Waxaan u kornay sida ubax!" Maroodigi yara ayaa yaabay.
Bakayle yar oo dhageysanayay ayaa yiri:
"Laakiin hooyaday waxay ii sheegtay in Dhagtar Abdi, oo ah dhakhtarka kaynta, uu naga keenay cusbitaalka."
Maroodigii yaraa, bisad iyo bakayle.
Maroodigii yara wuxuu noqday mid aad u wareersan. Maxay tahay sababta qofna uusan u ogeyn jawaabta!? Ayaa uu is waydiyay!
Maroodigii yara wuxuu u tagay Dhagtar Abdi wuxuuna yiri:
‘Bakayle hooyadii waxay noo sheegtay in adiga aad cusbitaalka naga keentay! Tani ma runbaa?"
Mr. Abdi wuu qoslay wuxuuna yiri:
Maroodigii yaraa iyo dr Abdi.
"Haa dabcan! Waxaa jiray waqti ay waalidkaa runtii doonayeen ilmo yar oo qurux badan! Markaa waxaad ku kortay caloosha hooyadaa! Markii aad ku waynaatay, waxaan caawiyay hooyadaa oo sidaas ayaad ku dhalatay!"