YAYGII IYO RI’DII 7 CARUURTA LAHAYD

Waxaa beri jirtay ri’ duq ah oo lahayd toddobo caruur ah oo yaryar, waxayna u jeclayd aad. Maalin maalmah ka mid ah ayay damacday in ay duurka gasho oo ay cunto u soo qaado. Markaasay toddobadiiba u yeedhay oo waxay ku tidhi

‘‘Carruurtaydii waa inaan duurka maanta galaa oo An cunto inoo soo raadiyaa ee yeeyda iska ilaaliya. Yaygu marar badan wuu qariyaa laakiin waxaad isaga ku garan doontaan codkiisa qallafsan iyo cagihiisa madow’’.

Carruurtu waxay yiraahdeen, ‘‘ Hooyo qaali  si wanaagsan ayaan naftayada  u daryeeli doonaa waxaa aad baxdaa adiga oo faraxsan’’  Dabadeed Ri’dii ayaa iyada oo si niyadsami ah u socota baxday.

            Ri'dii duqda ahayd iyo caruurtedii.

Mudo aan fogayn kadib ayaa mid ka mid ah Yaydii  uu soo garaacay albaabkii guriga oo uu yidhi,

"Albaabka iga fura carruurtaydii qaaliga ahayd hooyadiin way soo noqotay midkastaba wax bay u soo qaaday". Laakiin carruurtii yaryard waxay ogaadeen in uu yahay yeygi codka qallafsana. Waxay ku yidhaahdeen. ‘‘ Albaab

      Yaygii oo taagan albaabka guriga riyah.

"Adiga hooyadayo ma tihid, iyadu waxay leedahay cod jilicsan oo wanaagsan, laakiin codkaagu waa qallafsan yahay, adigu waxaad tahay yeey!”. Dabadeed yeydii ayaa u tagay nin dukaanle ah, waxa uuna soo iibsaday timir aad u macaan badan, wuu cunay oo codkiisa qalafsanaa jilciyay.

               Yaygii oo soo noqday.

Ka dib wuu soo noqday oo albaabkii guriga soo garaacay, oo waxa uu yidhi, “Albaabka fura carruurtaydii, hooyadiin way soo noqotay oo midkastaba wax bay u soo iibisay”. Laakin yeydii baa lugtiisa madoobayd daaqadda saartay carruurtiina way arkeen wayna qayliyeen, "Albaabka furi mayno hooyadeen cago cad sidaada oo kale ma laha, waxaad tahay yeey’’. Dabadeed yeeygii baa u orday nin wax duba oo ku yidhi: "Cagaha ayaa i  dhibay, ii mari cajiinka". Oo kolkuu ninkii cagihii yayga mariyey cajiinkii.

         Yaygii oo raba inuu guriga soo galo.

Mar kale ayuu hadan u orday dhankii guriga ay joogen ri’dii caruurteedu. Ninkii waxa uu  ku fikiray “Yeydu waxa ay doonaysaa in ay qof khiyaamayso.

Haddana yeeygii  ayaa mar saddexaad soo garaacay albaabkii guriga  oo ku yidhi, “Carruurtaydii albaabka iga fura, hooyadiin ayaa guriga timid oo midkasta wax bay u keentay.  Carruurtii yaryareed way qayliyeen, "Marka hore na tus cagahaaga si aan u ogaanno inaad tahay hooyadeen  qaaliga ah." Dabadeedna cagah ayuu daaqadda ka soo geliyey, carruurtiina markay arkeen inay cadyihiin, waxay rumaysteen in waxa uu yidhi oo dhan run yihiin, albaabkiina way fureen. Laakiin yaa soo galay yeey mooyee! Aad bay u argagaxeen oo damceen inay is-qariyaan.

Yaygii oo guriga soo galay.

Mid ayaa miiska hoostiisa galay kii labaadna sariirtii buu galay, kii saddexaadna shooladda ayuu galay, kii afraadna jikada, kii shanaadna wuxuu galay kabadhka dharka, kii lixaadna weelkii wax lagu maydho hoostiisa, kii toddobaadna wuxuu galay sanduuqii saacadda. Laakiin yeygii baa wada helay, mana uudhaafin dhamaantood. Kii ugu yaraa, oo sanduuqa saacad ku jiray ayaa ahaa ka keliya ee aanu helin.

Yaygii oo cunaya ri'yihii yaryara.

Yeygii markuu ka dhergay caruurti Ri’da ayaa uuu dharkii iska siibay oo wax uu hoos jiifsaday geed caws cagaaran ku yaal oo dibadda guriga ku yaal, hurdo ayaanu bilaabay.

Wax yar ka dib Ri’dii  ayaa mar kale ka soo guryo noqday kayntii. Waa maxay muuqaal ka ay aragtay?. Albaabka guriga ayaa si ballaadhan ubalaqan. Miiskii iyo kuraastii ayaa daadsan, weelkii ayaa jajabay, kabdhki iyo barkimooyinkiina waa la tuuray dhamatood.

Waxay raadisay carruurteeda, laakiin meelna kamay helin. Waxay magacyo ugu yeedhay dhamantood laakiinse cidi uma jawaabin. Ugu dambeyntii waxa hadlay kii ugu yaraa, cod jilicsan oo ooyay ayaa uu ku yidhi, "Hooyo qaali , waxaan ku jiraa sanduuqa saacadda." Ilmihii bay dibadda u soo saartay, waxnu u sheegay in yeygii imid oo intii kale wada cunay. Markaa waxaad qiyaasi kartaa sida ay ugu ooyday Ri’dii carruurteeda masaakiinta ah

 

             Yaygii oo hurda geed hoostii.

Markii ay murugootay ayay dibadda u baxday, oo kii ugu yaraa la orday. Markii ay yimaadeen cawskii agteeda, waxaa meesha jiifay yeygii geedka agtiisa oo aad u khuurinayay ilaa ay laamuhu gariireen. Dhinac walba ayay ka eegtay, waxa ay aragtay in uu wax ka dhaqaaqayo calooshiisa jeexjeexan. "Ah, " ayay tidhi, "ma laga yaabaa in carruurtaydii masaakiinta ahaa ee uu  cunay, ay weli nool yihiin?" Dabadeed Ri'dii guriga ayay ku carartay oo maqas iyo irbad iyo dun ka soo qaadatay.

Markii ay soo noqotay Ri'dii waxa ay ka dilaacisay calooshii lix caruur ah baa soo baxay, oo kulligoodna way wada noolaayeen, oo intuba  waxba may noqon, maxaa yeelay, hunguri weynaantiisa ayaa u diiday in uu calaliyo oo wuu wada liqay uun dhamaantood.   

Yaygii oo hurda iyo ridii oo ka soo saraysa caruurt.

Maxaa raynrayn jiray! Waxay ku soo laabteen hooyadood qaali, waanay boodbooden. Hooyadii waxay tidhi, "Hadda taga oo dhagaxyo waaweyn soo qaada, oo bahalkii sharka badnaa ayaanu caloosha ka ga gurno isag oo hurda." Markaasaa bay toddobadii ilmood soo qaadeen dhagaxyadii, oo in alla intii ay gelin kareen ayay calooshiisa geliyeen. Hooyadii ayaa haddana si degdeg ah u toshay, si aanu waxba u ogaan oo aanu marna u kicin.

                 Caruurti rida oo faraxsan.

Markii uu yeygii hurdadii dhamaystay ayuu isku dayay in uu kaco madama uu, dhagxaantii calooshiisa ku jiray aad ugu harraaday ayuu uu damcay in uu ceel ka cabbo.

Laakiin markii uu bilaabay in uu socdo oo uu dhaqaaqo, ayaa dhagaxyadii calooshiisa ku jiray isku garaacmeen oo gilgileen.

Yaygii oo calooshisa dhagaxan ka buuxan.

Markaasuu qayliyey “Maxaa ka ruxruxmaya calooshayda masaakiinta ah?

 Waxaan u maleeyay inay lix carruur ah yihiin, laakiin dhagxaan waaweyn ma aha.

Markii uu ceelkii soo gaadhay oo uu biyihii ku foorarsaday oo uu damcay inuu wax cabbo, ayaa dhagxaantii cuslaa ay ku soo daateen, wax gurmad ahna muu helin, balse si xun ayuu biyihii ug qarqoomay. Toddobadii carruur ahaa markay taas arkeen, meel bay ka dhawaaqeen oo qayliyeen, "Yeydii waa dhimatay, yeeydiina waa dhimatay!" oo farxad darteed ayay ceelka hareeraheeda kula cayaareen hooyadood.

Yaygii oo celka ku dhacay.








Halkan ka akhriso sheekoyin kale………..

Previous
Previous

Sheekada Dayaxii Aan Saxiibka Lahayn

Next
Next

Tuke Doqon Ah Iyo Xuur Badeed