Timo Dahabo iyo Saddexdii Biir
Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa jiray beer baladhan oo nadiif ah oo ku taala hareeraha keyn qurux badan. Gudaha beerta waxaa ku noolaa hooyo biir, aabbe biir iyo biir yare.
Qoyska reer biir.
Mid kasta oo ka mid ah biirarka waxay lahaayeen sariiro ay ku seexdaan, kursi ay ku fariistaan iyo baaquli ay cunto ku cunaan. Maalin subax ah, markii ay qorraxdu soo baxaday, hooyo iyo aabbe biir ayaa kacay si ay u diyaariyaan quraacda. Biir yare ayaa kacay oo daaqadda fiiriyey. Wuxuu arkay wax sida xidigah u iftiimaya.
Biir yare oo arkay balanbaalis.
Biirkii yar wuxuu ku qayliyey:
Hooyo… Aabbo… Fiiri
Biirkii yara wuxuu farta ku fiiqay daaqadda. Waxay ahayd wax la yaab leh. Boqollaal balanbaalisood oo midabyo badan leh ayaa duulaya beerta. Mid ka mid ah waxyaabah uu biir yare jecel yahay waa inuu orodo si uu ula ciyaaro balanbaalisyada. Laakiin balanbaalisyadu waxay yimaadaan beerta keliya xilliga guga.
Biir yare ayaa yiri:
Fadlan, fadlan, fadlan, ma ciyaari karnaa ka hor quraacda, hooyo? Waxaa jira balanbaalisyo badan. Marna ma arag balanbaalisyo badan oo isla wada socda. Waa inaan hadda baxo! Ma tagi karnaa fadlan?
Hooyo biir waxay tiri: Hagaag, qalbi!
Aabbe biir wuxuu yiri: Waxaan ku dhigaya caanaha baaquliyada si ay u qabooban oo aan u cabno markaan soo noqonno!
Aabbe wuxuu ku shubay caanaha saddex baaquli oo si taxaddar leh wax uu u saaray miiska. Markaas saddexda biir ee sheekadeenna waxay si fiican u xireen albaabka oo waxay ka baxeen gurigoodi quruxda badan.
Aabe biir oo baaquliyada ku shubaya caanah.
Meel u dhow guriga biirarka waxaa ku noolaa nin beera lay ah. Wuxuu lahaa gabadh qurux badan oo timo dahabi ah leh. Sidaas darteed wuxuu ugu magac daray Timo Dahab. Timo Dahabo waxay ahayd gabadh aad u qurux badan, Laakiin waxay lahayd dabeecad layaab leh oo mararka qaar khatar gelin jirtay.
Timo dahabo.
Mar, xiise darteed, Timo dahab waxay raacday xayawaannada keynta waxayna ku dhowaatay in yeey cunaan. Maalin kale, waxay qaadatay mid ka mid ah ukumaha shimbirka gorgorka oo buulka saaran. Ficilka Timo dahabo ayaa aad uga caraysiiyey gorgorka. Ilaa heer gorgorka uu dhowr jeer ka dhaawacay madaxa Timo dahabo.
Maalintan, Timo dahabo waxay hawl u qabanaysay aabbaheed kadib waxay si lama filaan ah indhaheedu ugu dhaceen guriga Biir yare.
Waxay nafteeda ku tiri: Waa guri yar oo qurux badan, yaa ku noolaan karaa halkan?
Iyada oo aan ka fikirin, Timo dahabo waxay garaacday albaabka guriga dhowr jeer, laakiin cidina kama furin !Timo dahabo, oo aan ka quusan, garaacitanka albaabka ayaa si dhaqso ah u oroday oo daaqadda fiirisay!!
Timo dahabo oo daqada guriga taagan.
Waxay nafteeda ku tiri: Ooh, eeg baaquliyadaas buuxa ee caanah macaan ku jiran . Nasiib darro cidna ma joogto guriga si ay u caban canahan macaan. Waa inaan anigu gudaha u galo guriga oo aan cabo caanahan si ilaahay ka dhigoba caanahan lagama tagi karo!
Markaa Timo dahabo waxay furtay albaabka waxayna gashay guriga.
Horteeda waxaa yaallay meel daba weyn oo holcayaa ka shidan yahay. Waxaa jiray miis jikada ku ag yaalla, oo si fiican loo diyaariyey saddex baaquli oo caano macaan ku jiran ayaa miiska saarnaa. Waxaa miiska saarnaa baaquli weyn, baaquli dhexe iyo baaquli yar. Kursi kasta oo baaquliga u dhow, waxaa la dhigay qaaddo cabbirkaas oo kale iyo kursi.
Timo dahabo markii hore waxay ku fadhiisatay kursiga weyn. Kursigan wuxuu ahaa mid aad u weyn oo lugaha Timo dahab ma gaadhayaan dhulka. Waxay u soo dhaqaaqday hore, waxay qaadatay qaado wayn oo buuxda oo caano ah si ay u dhadhamiso!
Timo dahabo oo canihii dhadhminaysa.
Waxay ku qaylisay: Ooh maya! Tani waa mid aad u dhanaan!
Timo dahabo hadana markale waxay ku fadhiisatay kursiga dhexe, oo waxay soo qadatay qaaddo dhexe oo dhadhamisay caanaha baaquliga dhexe ku jira.
Waxay ku qaylisay: Ooh maya! Tani waa mid aad u dhanaan!
Timo dahab waxay ku fadhiisatay kursi yar, oo waxay soo qadatay qaadada yar oo dhadhamisay caanaha baaqulka ugu yar!
Waxay ku qaylisay: Ooh haa! Tani waa mid aad u macaan!!
Si lama filaan ah waxaay maqashay burbur weyn.
Kursigii yaraa, ee ay ku fadhiisatay ayaa wuxuu ahaa mid aad uga yar culayskeeda Timo dahabo. Baaquligii yaraa ayaa hawada ku duulay, caanahiina si deg deg ah ayay darbiga ugu daadteen!!
Timo dahabo oo jabisay kursigii biir yare.
Timo dahab waxay nafteeda ku tiri: Hagaag, waxaan cabay caano badan oo hadda aad ayaan u daallanahay!!
Timo dahab, oo aad u daalan, waxay u kacday xagaa iyo jaranjarada. Waxay gashay qol la dhigay saddex sariirood:
Mid weyn, mid dhexe iyo mid yar. Marka hore, Timo dahabo waxay isku dayday sariirta weyn.
Waxay ku qaylisay: Ooh maya! Sariirtan waa mid aad u adag!
Markale Timo dahabo waxay ka kacday sariirta weyn oo u gudubtay sariirta dhexe iyad oo aan hagaajin go’yaasha sariirta wayn.
Waxay ku qaylisay: Ooh maya! Sariirtan waa mid aad u jilicsan!
Timo dahabo waxay ka kacaday sariirta dhexe, waxayna ka tagtay iyada oo aan hagaajin go'yaasha, waxayna tagtay mar kale sariirta yar.
Waxay ku qaylisay: Ooh haa! Tani waa mid saxan oo hurdadeedu macaantahay.
Timo dahabo waxay huwatay, go'yaasha dul saaranaa sariirta kadibna si fiican u seexatay.
Timo dahabo oo huruda.
Waxay huruday muddo labaatan daqiiqo ah waxayna saddexdii BIIR ka soo laabteen beerta.
Aabbe BIIR wuxuu ku qayliyey: Illaah naxrista badanoow! Maxaa ka dhacay gurigayga? Yaa cabay caanahaygii macaana?
Aabbe BIIR aad ayuu u xanaaqay.
Hooyo BIIR waxay tagtay miiska, waxay kor u qaaday baaquligeeda oo madhan .Waxay ka murugootay waxa dhacay.
Oo yaa cabay caanahayga?
BIIR yar ayaa ku qayliyey: Hooyo, aabbe, eeg! Kursigayga wuu jabay, baaquligaygii waa madhan yahay oo caanahaygii waa la daadiyay!!!
Qoyskii ree biir oo yaaban.
Saddexdii BIIR way xanaaqeen. Si deg deg ah ayay u baadheen gurigooda si ay u helaan cidda soo gashay. Waxay baadheen gees walba hoos iyo saraba si ay u helaan wax raad ah laakiin waxba may helin.
Aabbe BIIR wuxuu si hoose u yiri: I soo raaca!
Si tartiib ah ayuu u fuulay jaranjarada. Markuu soo gaaray jaranjarada sare, waa uu joogsaday oo fiiriyey qolka saddexda sariirood yaaleen isagoo yaaban!
Aabbe BIIR wuxuu ku qeyliyey: Yaa seexday sariirtayda?
Hooyo BIIR ayaa si dhakhso ah u dhaqaaqday, oo eegtay sariirteeda oo waxay tiri, Oo yaa seexday sariirtayda?
BIIR yare ayaa fiiriyey sariirtiisa oo si hoose u yiri:Aabbo, gabadh yar ayaa sariirtayda ku jiifta!
Ree biir oo arka timo dahabo.
Aabbe BIIR wuxuu ku jawaabay isagoo faraxsan:
Aha! Tani waa cidda soo gashay gurigeena. Imika ayaan cunayaa si aan u ciqaabo ficilkan xun ee ay inagu samaysayna waan ka jarayaa!
Timo dahabo si tartiib ah ayay u toostay.
Markay Timo dahabo aragtay saddex BIIR oo iyada eegaya, waxay si dhakhso ah uga kacday, sariirta kadib booday oo daaqadda oo furanayd ku carartay. Inta aanay BIIRARKU soo gaarin!
Timo dahabo oo daaqada ka soo booday.
Timo dahabo waxay soo gaadhay gurigeeda iyadoo dhidid badan ka dayo!
Ninkii beera layda ah wuxuu yiri: Timo dahabooy, gabadhaydii, miyaad soo ururisay beedkii an kuu diray?
Waxay tidhi. Maya, Aabbo, waxaan ku mashquulay wax kale.
Ninka beeralayda ahaa ayaa ku yidhi: Timo dahbooy, maxaad markan samaysay?
Waxa ay tidhi. Aabbo, waxaan helay guri cidla ah oo miiska ay saaran yihiin saddex baaquli oo caano ku jiraan, sidaas daraadeed waxaan gudaha u galay gurigii yaraa oo waxan cabay canihii macanaa!!
Timo dahabo iyo aabaheed.
Maxaad samaysay? Ayaa uu ku qayliyay aabihii!!
Waan ka xumahay, Aabbo. Aad ayaan uga xumahay. Ma aanan garanayn in BIIR halkaas ku nool yihiin. Runti maan rabin in aan kursiga jabiyo ama caanaha daadiyo!!!
Ninka beeroolaha ahaa ayaa fiiriyey Timo dahabo oo yiri: Aad ayaan uga xumaaday dhaqankaaga! Sidee ayaan ugu magdhawnaa BIIRARKII.
Timo dahabo muddo ayay aamustay oo fikiraysay. Ugu dambeyntii waxay tiri Aabbo, laga yaabaa haddii aan iyaga u qoro warqad oo aan raalligeliyo, inay iga cafin doonaan. Dabcan, waxaan filayaa in Biir yare u baahan yahay kursi cusub. Oo sidoo kale waa inaan u gudaa caanahii aan cabay!
Ninka beeroolaha ahaa wuu farxay oo yiri: Tani waa fikrad aad u wanaagsan.
Maalintii danbe, Timo dahabo waxay qortay warqad raalligelin ah, iyad oo kaashanaysa aabbaheed, waxay si fiican u sameeyeen kursi cusub oo loogu talagalay Biir yare.
Waxay sidoo kale ururisay lacag ay iyadu leedahay si ay ugu iibiso cano ku filan oo ay cabaan ree biir.
Markii wax walba la diyaariyey, Timo dahabo waxay qaaday warqadii raali galinta ahayd, kursigii Biir yare iyo baaquligii canaha ahaa kadib waxa ay tagtay oo u jiheysatay gurigii ree Biir ee beerta ku yaaley.
Markan waxay garaacday albaabka waxayna sugtay in la furo.
Albaabka waa la furay.
Aabbe BIIR wuxuu ku qeyliyey oo yiri: Adigaa mar kale!
Markay maqleen, hooyo Biir iyo Biir yare iyaga oo xanaqasan ayay albaabka yimaadeen.
Biir yare wuxuu ku qayliyey: Degdeg, aabbo u cun gabadhan xun!!
Timo dahabo waxay ku jawaabtay: Sug! Waxaan u imid inaan idin raalligeliyo. Waan ogahay waxa aan sameeyey inuu qalad ahaa. Marnaba waa inaan guryaha aan la galin fasax la'aan oo aan la taabanin alaabah amar la’an. Waxaan soo qortay warqad si aan u sheego sida aan uga xumahay, waxaan soo sameeyey kursi cusub oo loogu talagalay Biir yare, waxaan kale oo keenay baaquli weyn oo caano ah oo iniinyo leh.
Timo dahab oo u keentay caano ree biir.
Biirarkii waa ay is fiiriyeen.
Hooyo Biir waxay tiri: Gabar wanaagsan ayaad tahay, waxa aad sayaysay wax aad u wanaagsan. Waxaan si fiican u aqbali doonaa raalligelintaada!
Timo dahabo waxay ku jawaabtay: Aad baad u mahadsan tahay.
Waxay ku faraxday in ayna biirarku cunin iyada.
Runtii waxay baratay cashar wanaagsan. Timo dahabo way ka qoomamootay fikirla’aanteeda waxayna nafteeda u ballanqaadday laga bilaabo maalintaas inay qof walba ula dhaqmi doonto si naxariis leh oo edeb leh.
Ree biir iyo timo dahabo oo saxiibay.
Dhamaadka sheekada Timo dahabo iyo saddexda Biir si dhakhso ah ayay u noqdeen saaxiibo wanaagsan. Waxay isku raacaan balanbaalisyada oo waxay wada cabaan caanaha macaan. Timo dahab iyo saddexda Biir waxay ahaan doonaan kuwo naxariis badan oo waxay ahaan doonan saaxiibo dhow ilaa dhammaadka noloshooda!!